Howlgalo amniga lagu sugaayo oo ka bilaawday Gobolka Bari.

Bosaaso:-Howlgalkan oo uu hoggaaminaayey Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari G\Sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa Ciidamada Booliska ee Gobalka Bari waxaa ay Ka Sameyeen Buuraha u dhexeeya Magaalada Bosaaso illaa Dagmada Carmo ee Gobalka Bari, howlgalkan oo ahaa mid qorshaysan ayaa Ciidamada Boolisku waxaa ay baaritaano ku sameeyeen Gadiidka soo gala Magaalada Bosaaso iyo kuwa ka baxaya.

Howlgalkaan oo ay sameeyeen Ciidamada Booliska Gobolka Bari ayaa ujeedkiisu waxaa uu ahaa sugida iyo xoojinta amniga guud gobolka xilli dhawaan Magaalada Bosaaso lagu qabanaayo doorashada Xildhibaanadda cusub ee dowladda dhaxe ee Soomaaliya.

Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari G/Sare Xuuseen Cali Maxamuud Shacabka Ka Codsaday Inay Doorkooda Ka Qataan Xaqiijinta amaanka Isagoona u mahadceliyey sido kale shacabka Gobolka Bari ayaa Howlgalkaan Ku tilmamaay mid guul ah oo ay uga mahadcelinayaan Ciidamada Booliska.