Dhismaha wadada isku xirta Gaalkacyo iyo Hobyo oo meel fiican maraysa.

Gaalkacyo:- Mashruuca isku tashiga dhismaha wadada isku xirta magaalooyinka galkacyo iyo hobyo ayaa haatan maraya meel fiican taasna waa mid muujinya sida uu u mira dhali karo haddii la helo iska kaashi bulsho.

Dr.Maxamed Cabdi Axmed oo ka mida howl wadeennada guddiga Gob ayaa warbaahinta qaranka uga waramay halka uu marayo dhismaha wadadaasi iyo marxaladihii kala duwaana oo ay soo martay,isagoona xusay in haatan uu meel gabo gabo ah marayo loona baahan yahay in xoogga la saaro dhamaystirkeeda.

Ugaas farxaan Maxamed dhoore oo ka mida qurba joogta soomaaliyeed ee ku nool dalka Sweden,isla markaana ka qayb qaatay iskaashiga dhismaha wadadaasi ayaa wax lagu farxo ku tilmaamay halka maanta ay marayso,kadib kormeer isaga iyo ganacsato soomaaliyeed oo uu ka mid ahaa Ganacsade Cumar Cali hilowle ay ku sameeyeen habsami u socodka wadada. Ilaa 100 km oo ka mida 160 km ayaa lagu guulaystay in lagu dhiso awoodda shacabka Galmudug, iyadoo aysan jirin maalgalin dowladeed ama hay’addo kale.

Mashruuca dhismaha wadada isku xirta magaalooyinka Gaalkacyo iyo Hobyo ayaa ah mashruuc isku tashi oo baaxad wayn,isla markaana tusaale fiican u noqan kara in bulshada soomaaliyeed ay isku tashi wax ku qabsan karaan.