Al-Shabaab oo sheegatay inay la wareegeen degaan ka tirsan G/Galgaduud.

Al-Shabaab ayaa waxay sheegteen inay si nabadgelyo ah kula wareegeen degaanka Ceeldheere oo ku yaalla duleedka Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug.

Degaanka Ceeldheere ayaa waxaa dhowr jeer howlgallo qorsheysan ka fuliyay Ciidamo ka tirsan kuwa qeybta 21-aad ee Millateriga Soomaaliya, howlgalladaas oo ay Saraakiisha Ciidamada sheegeen inay ku dileen Xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Al-Shabaab warar ay ku daabaceen Baraha ay ku leeyihiin Internet-ka waxay ku sheegeen in xalay fiidkii ay si nabadgelyo ah kula wareegeen degaanka Ceeldheere oo k,u yaalla inta u dhaxeysa degmada guriceel iyo Magaalada Dhuusamareb.

Dhanka kale Saraakiisha Ciidamada Milalteriga Soomaaliya ee degaannada Galmudug weli kama hadlin warkaan kasoo baxay Al-Shabaab ee ku aadan inay la wareegeen degaan ka tirsan gobolka Galgaduud.