Xildhibaanada Soomaaliya oo maanta yeelanaya Kulankooda Caadiga ahaa.

Muqdisho:- Xildhibaannada golaha Shacabiga Baarlamaanka Fadaraalka Soomaaliya ayaa maanta kulankoodi caadiga ahaa ku  yeelanaya xaruntooda KMG ah ee Villa Hargaysa ee magaalada Muqdishu.

Mudanayaasha Golaha shacabka ayaa lagu wadaa in maanta akhrinta saddaxaad ay marsiiyaan hindise sharciyeedka beeraha Soomaaliyeed.

Xildhibaannada oo muddo xilleedkoodu gabagabo yahay ayaa waxaa horyaalla sharciyo badan oo muhiim u ah dalka.