QM oo Ku Baaqday Baaritaan lagu Sameeyo Xasuuq la Sheegay inuu ka Dhacay Gobolka Tigreega.

NEW YORK:-Hay’adda Qaramada Midoobay ayaa ku baaqday in baaritaan lagu sameeyo wararka sheegaya in boqollaal qof lagu dilay magaalada Mai-Kadra ee gobolka Tigreega ee waqooyiga dalka Itoobiya.

Guddiga Qaramada Midoobey u qaabilsan xuquuqda aadanaha ayaa sheegay in haddii arrinkani la xaqiijiyo uu noqonayo dambi dagaal oo ka dhan ah bani aadannimada.

Rai’sul wasaare Abiy Ahmed ayaa ku eedeeyay in xasuuqaasi ay geysteen xoogag daacad u ah hogaamiyayaasha Tigray ee TPLF

Debretsion Gebremichael, hogaamiyaha Tigray ayaa u wakaalada wararka AFP u sheegay in eedeymahani aanay sal iyo raad toona laheyn.

Abiy ayaa sheegay in dagaalyahannada TPLF, ay dhibaatadan geysteen kaddib markii ciidamada fedaraalka ay ka xoreeyeen Koonfurta gobolka Tigray, kaddibna ay si arxan darro ah u laayeen dad rayid ah oo aan waxba galabsan ooku sugnaa magaalada Mai-Kadra.

Waa markii ugu horreysay ee tiro intaas la’eg oo dad rayid ah lagu laayo gobolka Tigreega tan iyo markii uu billowday duulaanka ay ciidamada dowladda ku qaadeen gobolkaas.

Waxaa aad u adag in warar laga helo goobaha uu dagaalka ka socdo khad taleefoonka iyo adeegga internetka gobolkaas oo go’an awgood.

Dhanka kale waxaa sii kordhaya dadka ka qaxaya dagaalada ka socda gobolka Tirgey ee waqooyiga Itoobiya.