Qaraxyo gilgilay labo magaalo oo ka mid ah gobolka Axmaarada.

ADDIS ABABA:- Laba qarax oo waaweyn ayaa laga maqlay laba magaalo oo ka tirsan gobolka Axmaarada Itoobiya oo deris la ah gobolka Waqooyi ee Tikray halkaas oo ay ciidamada Federaalka Itoobiya kula dagaalamayaan xoogagga jabhadda TPLF.

Xafiiska Warfaafinta Ismaamulka Amxaarada ayaa sheegay in qaraxyada ay ka dhaceen magaalooyinka Baxardar iyo Gonder oo ka tirsan oo gobolka Axmaarada.

Boqollaal qof ayaa barakacay tan iyo markii uu Ra’iisul wasaaraha Itoobiya iclaamiyay in dagaal lagu qaado ciidamada jabhadda TPLF oo uu ku eedeeyay in ay weerareen saldhigga ciidamada Difaaca Qaranka Itoobiya ee magaalada Maqalle ee gobolka Tigray.

Xafiiska Warfaafinta Axmaarada ayaa intaas ku daray in ay socdaan baaritaanno lagu ogaanayo haddiii qaraxyada dhacay ay xiriir la leeyihiin dagaalka ka socda gobolka Tigray.
Ciidamada Ismaamulka Axmaarada ayaa ka barbar dagaallamaya Cidaamada Difaaca Qaranka Itoobiya oo dagaal kula jira Jabhadda TPLF.

Ururadda Qamamada Midoobay iyo Midowga Afrika ayaa walaac ka muujiyay dagaallada ka socda gobolka Tigray waxaana laga cabsi qabaa inuu dagaalka ku baaho gobollada kale ee dalka labaad ee ugu dadka badan Afrika.