Golaha Amaanka Qaramadda Midoowe Oo ka fakaraayo in Soomaaliya cunaqataynta hubka laga qaado


Golaha Amaanka Qaramadda Midoowe ayaa markii ugu horeesey tan iyo 1992 magacaabey Guddi ka shaqeeya sidii Soomaaliya looga qaadi lahaa cunaqabataynta hubka ee Soomaaliya saarnaa ku dhawaad mudo 30 sano ah.

Soomaaliya wey adag tahay in laga qaado gebi ahaan cunaqabateynta hubka saaran sababtu waxey tahay Soomaalida siyaasiyiinteeda ama madaxdeeda weli kuma heshiin siyaasada dalka, sidoo kale qabaa’ilada Soomaalida dhexdooda dib u heshiisiin dhab ah lagama sameyn, kalsoonidii bulshana weli wey liidataa.

Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyadda weli heshiin kuma aha qaabkii loo qaybsan lahaa ciidamada qaran ee dalku yeelan lahaa. Weli diyaar ma aha sharuucdii ciidanka lagu dhaqi lahaa ee qeyxayey mas’uuliyadooda iyo waajibaadkooda.

Soomaaliya waa wadan weli aan dhisnayn haykalkiisa dowladnimo, sharci ka jirin. Qaramadda Midoowe waxey ka baqeysaa haddii hadda laga qaado Soomaaliya cunaqabateynta hubka in hubkaas lagu gumaado ama lagu dhibaateeyo dad shacab ah sidii Baydhabo ka dhacdey 2018-kii ama hubkaas gacanta u galo Al Shabaab sidii hore u dhacdey.

Soomaaliya taariikh xun bey leedahay, diyaaradii qaranka ayaa 1988 loo adeegsadey in lagu duqeeyo Hargeysa, ciidamadii qaranka ayaa gobolada dhaxe iyo waqooyiga Soomaaliya ka geystey dacadiyo ka baxsan xuquuqul insaanka.

Waqtiga keliya ayaa isbedeley laakiin caqliga qofka Soomaaliga weli wax weyn iskama bedelin, halis waxaa weli muuqata in wixii hore u dhacey wax la mid ah dib u dhici karaan.

Mashruuca hub ka qaadista Soomaaliya ma aha howl fudud. Dowlad heshiis lagu yahay oo shacabku ku kalsoonyihiin oo ilaalisa sharuucda dalka u yaal iyo xaquuqul insaanka ayaa shardi u ah in Soomaaliya laga qaado cunaqabateynta hubka.

Ilyas Mohamud Hussein