Shirkada software-ka Jarmalka ee TeamViewer oo dib ugu soo laabatay Shaqadeedii.

BERLIN:-Shirkada software-ka Jarmalka ee TeamViewer ayaa Talaadadii sheegtay in baahida loo qabo adeegyadeeda isku xiridda aaladaha casriga sida Kombiyuutarrada uu ku soo laabtay xaalad caadi ah, kaddib hoos u dhac ku yimid aafada COVID-19.

TeamViewer oo xarunteedu tahay magaalada Goeppingen, islamarkaana caanka ku ah isku xiridda aaladaha kala fog ayaa dhowaan wada shaqayn la yeelatay Microsoft Workplace si ay u daboolaan baahida guri ka shaqeynta inta lagu jiro xaaladda COVID-19.

TeamViewer waxay hadda dareemeysaa hoos u dhac 29% marka loo eego inta lagu jiray xaaladda daran ee Covid-19 ayuu sheegay madaxa fulinta shirkadda ee Oliver Steil.

TeamViewer oo ah shirkad laga leeyahay Jarmalka xaruntooduna tahay magaalada Göppingen ee isla Jarmalka waxaa la aasaasay sanadkii 2005, waxayna xal u noqotay in si fudud shaqo loogu qabto Kombiyuuter yaalla meel fog.