QM oo Sheegtay inaysan Gargaar gaarsiin karin Dadka Ku Go’doonsan Gobolka Tigreega.

ADDIS ABABA:-Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in hay’adaha gargaarku aanay awoodi Karin in ay gargaar cunno iyo dawo ah gaarsiin Karin gobolka Tigree oo uu dagaal culusi ku dhex marayo ciidamada dowladda iyo kuwa maamulkaas.

Xafiiska Isku Xirka Arrimaha Bani aadannimada ee Qaramada Midoobay “UN OCHA” ayaa sheegay in dagaalka oo sii kululaanaya iyo Khadka isgaarsiinta ee gobolka oo go’an ay caqabad ku noqotay howlaha gargaarka.

OCHA ayaa sheegtay in aanan cidna loo oggolayn in ay gasho amaba ka baxdo gobolka Tigree arrintaasina ay ka dhalatay in cunnooyinka asaasiga u ah nolosha ee gobolkaasi ay gabaabsi noqdaan aadna ay u qaaliyoobaan.

Waxaa kale oo ay walaac ka muujisay xaaladda ay mudan karaan haweenka, carruurta, dadka da’da ah iyo kuwa naafada ah eek u nool deegaannadu ay dirirti ka socoto.

Hay’adda ayaa sheegtay in dagaalka ka socda qeybo kamid ah Itoobiya u uku fido gobollo kale iyo gobolka Geeska Afrika.

Dad kabadan 10.000 oo ruux oo ka baxsaday gobolka ay colaaddu ka holceyso ee Tigree ayaa magan-galyo u galay dalka Suudaan.

Ra’iisul wasaare Abiy Axmed ayaa ku gacanseyray baaqyo nabadeed oo lagu qaboojinayo colaadda gobolkaas kuwaas oo uga yimid Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika.