Qabiilka Tigreega oo Isugu Habar-wacday inay Iska Difaacaan Ciidamada Dowladda.

MEK’ELE:-Maamulka gobolka Tigreega ee woqooyiga dalka Itoobiya ayaa dadweynaha deegaankaas ku amar ku bixisay in dadweynaha gobolkaas ay u istaagaan sidii ay isaga dfaaci lahaayeen weerarka ciidamada Abiy Axmed.

Isu hub uruursashada labada dhinac ayaa sii kordhinaysa suuragalnimada dagaal sokeeye oo ay lugta geliso Itoobiya iyada oo ay xusid mudantahay in ra’iisul wasaare Abiy u uku gacanseyray in uu wax wadahadal ah la furo TPLF.

Sagaal maalmood ka hora yay ahayd markii xukuumadda ra’iisul wasaare Abiy Axmed ay ciidamada millatariga dalkaas amar ku siisay in ay weerar ku qaadaan gobolka Tigreega oo fariisin u ah dhaqdhaqaaqa TPLF.

Dagaallada haatan socda ayaa sabab u noqday dhimashada boqollaal qof oo u badan safafka ciidamada iyo jabhadda ka horjeedda waxaana intaa sii dheer in ay jiraan dad farabadan oo ka tallaabay xudduudda ay Itoobiya la wadaagto Suudaan si ay u badbaadaan

Ismaandhaafka siyaasadeed ee dagaalka isu rogay ayaa billowday kaddib markii maamulka gobolka Tigreegu uu gaashaanka u daruuray dib u dhigsi ay xukuumadda dhexe ku samaysay doorashooyinka dalkaas iyada oo marmarsiyo ka dhiganaysa faafitaanka xanuunka COVID-19.

Milatariga dowladda Itoobiya ayaa sheegay in muddadii uu dagaalka socday la dilay 550 ka tirsan ciidamada maamulka Tigreeda.

TPLF ayaa muddo dheer qeyb ka ahaa isbahaysiga muddada dheer xukumayay dalkaasi Itoobiya balse ra’iisalwasaare Abiy Axmed ayaa wiiqay awoodda TPLF kaddib markii uu xilka la wareegay sanadkii 2018.

Hoggaamiyeyaasha Tigreeda ayaa maamulka ra’iisalwasaare Abiy ku eedeeyay in uu beegsanayo iyaga isla markaana uu haatan yahay mid aan sifo sharci ah ku joogin xafiiska maadaama muddo xileedkiisii uu dhammaaday.

TPLF ayaa bishii Sebteembar ee sanadkan gobolka Tigreeda ka qabtay doorasho dowladda dhexe ay ku tilmaantay sharcidarro.