Madaxweynihii hore ee Dalka Ghana oo geeriyooday

Muqdisho:- Madaxweynihii hore ee dalka Ghana Jerry John Rawlings ayaa ku geeriyooday maanta magaalada Accra ee xarunta dalka Ghana.

Jerry John Rawlings ayaa ku geeriyooday Isbitaalka Korle-Bu University ee magaalada Accra halkaas oo xanuun dartii loo geeyay

Wuxuu dalka Ghana hogaaminayay intii u dhexeysay1982 ilaa 2002 .

Wuxuu ahaa duuliye ka tirsanaan jiray  ciidanka cirka ee dalka Ghana, Wuxuu dhashay bishii June sanadkii 1947-kii.

Hogaamiyeyaasha Afrika waxay u hayeen xushmad, waayo wuxuu ahaa nin Afrikaanimada ay ku weyn tahay, Wuxuu aad ugu ole oleyn jiray in Afrika mid noqoto.

Wuxuu madax u ahaa kooxda milatariga ee dalka u horseeday doorashooyinka axsaabta badan sanaddii 1992 markaas oo madaxweyne loo doortay .

Wuxuu xilka ka dagay 2001 ka dib markii uu laba muddo xileed dalka maamulayay.

Wuxuu mar ahaa ergayga Midowga Afrika u qaabilsan arrimaha Soomaaliya