Madaxweyne K/Afrika oo ka hadlay Qodobo badan oo ay ugu horayso Furitaanka Duulimaadyada Caalamiga ah.

Isagoo la hadlayey Shacabka South Africa iyo Qowmiyadaha kale ee ku nool, ayaa Caawa Madaxweyne Cyril Ramaphosa, wuxuu ka dhawaajiyey arrimo badan oo ay ugu muhiimsan yihiin QODOBADAN HOOSE.


● In Xaaladda hadda lagu jiro ee Xayiraadda Koroonaha ee (LEVEL1) ay sii socon doonto (Muddo 3 Bilood ah) ilaa January 2021.
● In Duulimaadyada Caalamiga ah in badan la sii furi doono, si kor loogu qaado kobaca dhaqaalaha, halka Wadamo badan oo Caalamka ah ay iminka sii Xiraayaan.
● Si looga Badbaado, Wajiga 2aad ee COVID19 ayuu aad uga digay kuna baaqay in la ilaaliyo dhammaan waxyaabaha aasaasiga u ah ka hortagga Coronavirus oo aad mooddo inay Dadku taxadarkii hilmaameen, sida Mask, Gacmo nadiifinta,Kala fogaanshaha iyo in laga feejignaado Goobaha ay Dadka badan isugu yimaadaan sida Xafladaha oo iminka si aad ah loo buux dhaafiyo sida uu yiri.
● In Shan maalmood oo Baroordiiq ah loo samayn doono in ka badan 20,000 oo Ruux oo u Geeriyooday Cudurkani Dilaaga ah (25th to 29th of November 2020).

Abdulrazak IndhaJaceyl.