Imaamka Cusub oo Gogol Nabadeed isugu keenay Beelihii ku Dagaalamay Tuulada Burdheere!!!

Kulan aad u ballaaran oo looga hadlayay Xal u helida Dagaaladii ka dhacay Tuulada Burdheere ee Degmada Cadale ayaa maanta ka dhacay hoyga uu magaalada Muqdisho ka degan yahay Imaam Daahir Imaam Maxamuud.


Madasha kulankaasi oo si Weyn loo soo abaabulay ayaa waxaa ka soo qeyb-galay Madax dhaqameed ka kala socday walaalihii ku dagaalamay Burdheere, Guddiga Horumarinta Danaha beesha Mudulood, Siyasiyiin, saraakiil, aqoonyahanno iyo marti sharaf kale.

Hadal ay halkaasi ka soo jeediyeen Nabaddoono ku kala hadlayay magaca beelaha ku dagaalamay Burdheere ayaa soo dhaweeyay isku dayga cusub ee lagu doonayo in lagu xaliyo colaada Burdheere, iyaga oo caddeeyay inay la shaqeyn doonaan odayaasha u istaagay nabadaynta dhulkaasi.

Beesha laga gubay tuulada Burdheere ayaa ku celcelisay inay beeshoodu u baahan tahay Caddaalad, waxaana ay Imaamka u soo jeediyeen inuu ka digtoonado arimihii horey u fashilyay nabadeyntii ka kala dhacday Xamar, Jowhar iyo Cadale, iyaga oo iftiimiyay inay u taagan yihiin helida xaqooda!!!.

Guddoomiyaha Guddiga Horumarinta Beesha Muddulood C/qaadir Caraale, Boqor C/llaahi Geedi Shadoor, Wabar Cali, Prof. Yaxye Sh. Caamir & masuuliyiin kale oo halkaasi ka hadlay ayaa ku guubaabiyay Celi iyo Cabdalla inay Nabadda qaataan.

Imaamka cusub Imaam Daahir Imaam Maxamuud oo kulankaasi soo xiray ayaa sheegay in uu ku farxsan yahay kulanka ay labada beelood isugu yimaadeen, waxaana uu hosta ka xariiqay inay ka go’an tahay sidii uu arimaha Burdheere caddaalad uu ugu dhammeyn lahaa.

Imaamka ayaa ku Nuux-nuuxsadey in hoos laga soo bilaabi doono arinta beelahaasi, isaga oo tilmaamay in si deg-deg ah loo magacaabi doono guddi farsamo oo hawshaasi gacanta ku hayn doono, isaga oo Allé ka baryay inuu ku guuleeyo arintaasi.

Xal u helida arinta Burdheere horey ayaa la isugu dayay hase yeeshee waa lagu fashilmay, lama oga isku daygaan cusub in lagu najixi doono iyo in kale.