Wasiir Sahal “Waxaan Leeyahay Aniga Seeftu Dhabarka ayay iga Taabataye, Adigu Madaxa Ka ilaasho”

Waxa saaka si habsami u qabsoomay xafladda xil wareejinta wasiir ku xigeenkii hore ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka JSL, Mudane Sahal Maxamed Jaamac iyo Wasiir ku xigeenka cusub ee xilka la wareegaya, Mudane Maxamed Cabdi Maxamuud, waxaana Madashaasi ka soo qayb galay Wasiiro, Boqoro, Cuqaal, Saraakiil, Xildhibaano iyo Marti sharaf kale .
Ugu dambayntiina waxa si qurux badan xilka ugu kala wareejiyey labada wasiir ku xigeen, wasiirka wasaarada Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka JSL Mudane Cabdilahi Abokor Cisman.
hadal uu munaasibada ka jeediyay wasiir ku xigeenkii hore ee Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Sahal Maxamed Jaamac ayaa waxa uu yidhi “”Annigu Tagi Maayee, Wasiirada Sanaag/Bari Kasoo Jeeda ee Hada Xukuumada Ku Hadhey, Waxaan Leeyahay Aniga Seeftu Dhabarka ayay iga Taabataye, Adigu Madaxa Ka ilaasho”