War Deg Deg ah:Ra’iisul Wasaarihii Dalka Baxreyn oo geeriyooday.

MANAMA:- Boqortooyada Baxreyn ayaa saakay barta Twitterka ku shaacisay geerida Ra’iisul wasaarihii Baxreyn Sheekh Khaliifa Bin Salmaan Al-Khaliifa oo ku geeriyooday da’da 84 jir.

Wakaaladda Wararka Qaranka Baxreyn ee BNA ayaa sheegtay in Ra’iisul wasaare Khaliifa maalmihii u danbeeyay lagu dabiibayay isbitaalka Mayo ee dalka Mareykanka, wakaaladda ma sheegin cudurka laga daaweynayay Ra’iisul wasaaraha.

Meydka Ra’iisul Wasaaraha ayaa aas qaran loo sameyn doonaa Kadib marka meydkiisa laga soo dejiyo dalka Baxreyn. Aaska Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa ka qeybgeli doona dad kooban si loo ilaaliyo faafidda cudurka Karoona Feyris.

Wakaaladda Wararka ayaa intaas ku dartay in Boqorka Baxreyn uu shaaciyay in dalka Baxreyn uu galayo todobaad baroordiiq ah iyada oo shaqooyinka dowladda la hakin doono muddo saddex maalmood ah oo ka bilaabaneysa berrito oo khamiis ah.

Ra’iisul Wasaare Khaliifa ayaa ahaa ra’iisul wasaarihii ugu muddo xilheynta dheeraa ee dunida soo mara isaga oo xilka ra’iisul wasaarenimada qabtay sanadkii 1970-kii.