Natiijada doorashada madaxweynaha Hirshabeelle oo lagu dhawaaqay

Waxaa haatan si rasmi ah loogu dhawaaqay natiijada doorashada madaxweynaha Hirshabeelle, waxaana ku guuleystay Cali Guudlaawe Xuseen uu helay codad gaarayo 86 halka ninkii la tartamayay Cabdiraxmaan Jimcaale Cismaan uu helay 13 cod.

Cali Guudlaawe waxaa uu horey u ahaa madaxweyne ku-xigeenka maamulka uu waqatigiisu dhamaaday ee maamulkii Maxamed Cabdi Waare.