Dimoqraadiyiinta Mareykanka oo Ku dadaalaya meel marinta Sharciga Caafimaad ee Obama Care.

WASHINGTON:-Dhageysigii u horreeyay ee dacwadda ka dhanka ah Caymiska Caafimaadka Obama Care, ayay labo xaakim oo muxaafid ahi soo jeediyeen jawaabo muujinaya in ay la safan doonaan saddexda garsoore ee dimoraadiga ah, taasoo suurta-gelin doonta in sharciga Caymiska Caafimaadka Obama Care uu sii jiro.

Garsoorayaasha Maxkamadda Sare ee Mareykanka badankood ayaa la filayaa in ay ayidi doonaan Sharciga Daryeelka Jaban ee Caafimaadka ee loo yaqaanno Obama Care, kaasoo ah caymis caafimaad oo ay ku tiirsanyihiin malaayiin qof oo Mareykan ah.

jamhuuriyiinta ayaa tan iyo 2010-kii si aad ah uga soo horjeeday caymiskan.

Caymiskan ayaa ah ah mid dadka dakhligoodu yaryahay u sahlaya in ay helaan adeeg caafimaad oo bilaash ah kaas oo ay kaga maarmi karaan ceymisyada caafimaad ee gaarka loo leeyahay.

Madaxweyanaha la doortay ee Mareykanka,Joe Biden ayaa dhawaan sheegay in muhim ay tahay sii jiritaanka xeerkan oo kaalin mug leh ka qaatay badbaadada caafimaad ee qoysas badan oo Mareykan ah.

Sagaalka Garoose ee Maxkamadda Sare oo lix ka mid ah ay yihiin muxaafid, saddexna dimoqraadi, ayaa marka uu dhageysiga kiisani dhamaado, u codeyn doono in Obama Care uu sii jiro ama in la baabi’iyo.