Dagaalka Gobalka Tigreega oo waji cusub yeeshay

boqolaal askari ayaa ku dhintay tiro intaa
ka badan wayku dhaacawmeen
dagaalkii qadhaadhaa ee udhaxeeyey militariga Dawlada Itoobiya iyo xoogaga gobolka ee waqooyiga gobolka Tigrayga

Hogaamiyaasha Tigreega ayaa Isniintii ka codsaday Midowga Afrika in ay soo fara galiyaan oo ay dhex dhexaadiyaan dhinacyada dagaalamaya

Qaramada Midoobay waxay ka digeysaa in iska horimaadka uu barakicin karo
tobanaan kun oo qof, oo ay ku jiraan qaxooti iyo hal milyan oo qof oo horeyba ugu tiirsanaa gargaarka. Qaramada Midoobay ee cuntada aduunka

Colaadda dagaalka Qawmiyaha ku dhisan ayaa durba ku sii fideysa dalalka deriska la ah Itoobiya. Kumanaan Itoobiyaan ah oo ay ku jiraan askarta militariga ayaa u qaxaya dalka ay deriska yihiin ee Suudaan.

Suudaan waxay ciidan farabadan soo dhoobtey xadka ay la wadaagto bariga halka hogaamiyaasha Tigreegu ay ku andacoonayaan in ciidamada Eritrea ay ku biireen dagaalka ka socda jiidaha Humera iyo Badme!

Xudunta iska horimaadka dagaalada Qawmiyadeed ee hada socda
waa sheegasho dhuleed oo aan weli la xallin. Qowmiyadaha Amxaarada waxay qorsheynayeen sheegashooyin ku saabsan dhulal la galiyay gobolka Tigree sagaashameeyadii.

degaanka la isku haysto waxaa ka mid ah Welkait-Tegede iyo qaybo ka mid ah Raya. Qowmiyadaha amxaarada waxay sameesay gudiyo dhowr ah si ay ufududeeyaan soo celinta “dhulalkaan lumay” ee amxarada

Qawmiyada Tigray waxay beeninayaan sheegashooyinkan inay yihiin fidinta waxa guud ahaan loo yaqaan ‘ Neftegna imperialism’.

Neftegna waa xukun boqortooyo oo ay leeyihiin qowmiyadaha Amxaariga ku hadla, taas oo ah Dadka deegaanka dalka itoobiya ku nool dhamaantood la amxaareeyo.

Danjire Maxamed Caalim