Codeynta doorashada madaxweynaha Hirshabeelle oo bilaabatay.

Waxaa magaalada Jowhar ka socotaa codeynta doorashada madaxweynaha Hirshabeelle iyadoo haatan xildibaanada ay codkooda dhiibanayaan.

Hirshabeele

Labo murashax ayaa u tartamaya xilka madaxweynaha kuwaas oo kala ah Cali Cabdillaahi Xuseen oo loo yaqaano Guudlaawe iyo Cabdiraxmaan Jimcaale Cismaan.

Labada murashax midkood waxa uu horey u ahaa madaxweyne kuxigeenka maamulka waqtigiisu dhamaaday, halka murashaxa kale aan sidaa loo aqoon.

Kaddib marka la tiriyo codadka ayaa lagu dhawaaqi doonaa natiijada doorashada.