Cali Guudlaawe oo Ku Guuleystay Xilka Madaxweynenimada Maamulka HirShabeelle.

JOWHAR:-Guddiga doorashada maamul goboleedka HirShabeelle ayaa ku dhawaaqay natiijada doorashada hoggaamiyaha maamulkaas oo uu ku guuleystay Cali Guudlaawe Xuseen.

Doorashada waxaa codeyay 99 mudane oo ah xubnaha baarlamanka HirShabeelle.

Cali Guudlaawe Xuseen ayaa helay 86 cod oo kamid ah codadka baarlamanka halka Cabdiraxmaan Jimcaale Cismaan oo la loollamayay uu helay 13 cod

Guudlaawe ayaa horay u ahaa madaxweyne kuxigeenka maamulka waqtigiisu dhamaaday, halka murashaxa kale aan sidaa loo aqoon.

Guudlaawe ayaa horay u ahaa madaxweyne kuxigeenka maamulka waqtigiisu dhamaaday, halka murashaxa kale aan sidaa loo aqoon.