Taliyaha Guutada 16-aad Ee Kumaandooska Danab oo gaaray Magaalada Kismaayo.

Taliyaha Guutada 16aad ee Kumaandooska DANAB Gaashaanle Axmed Cabdullaahi Nuur(Beeryare) iyo saraakiil ka tirsan taliskaasi aya gaaray magaalada Kismaayo ,iyada halkaasi loogu sameeyay xaflad soo dhaweyn ah.

Taliyaha ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha Magaalada Kismaayo kusoo dhaweeyay Saraakiisha Ururka 5aad ee Kumaandooska Danab oo ugu horeeyo taliyaha Ururka 5naad Carab Dheeg Axmed.

Taliyaha Guutada 16aad Ee Kumaandooska xooga Dalka Soomaaliyeed ee DANAB Gaashaanle Axmed Cabdullaahi Nuur(Beeryare)  ayaa bogoodiyay shaqada adag ee Ururka 5aad  ka haayo deegaanada  Jubbland.

Sidoo kale taliyaha ayaa waxaa la filayaa in uu booqasho ku tago Saldhigyada Ciidamada DANAB ee degaannada Gobolka Jubbada Hoose si loo dardar geliyo howlgallada ay wadaan.