Qaar ka mid ah musharaxiinta madaxtinimada dalka oo si wadajir ah bayaan u soo saaray.

Muqdisho:-Qoraal ay soo saareen illaa 12-musharax oo u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya ayaa shaaciyay inay ka soo horjeedaan magacaabista guddiyada doorashooyinka iyo xallinta khilaafaadka.

Si gaar ah xubnahaas waxay si adag uga soo xulista xubnaha guddiga doorashooyinka iyo xalinta khilaafaadka ku metelaya gobollada waqooyi ee Somaliland.

Qoraalka kooban saddex bog ayey musharaxiintaas ku soo gudbiyeen baaq ah in wax laga bedelo qaabka loo soo xulay guddiyada doorashooyinka.

Waxay ku muujiyeen qoraalkan wal-wal ay ka qabaan in guddiyadan ay yihiin kuwo loogu talagalay in lagu musuq maasuqo doorashooyinka dalka.

Bayaanka oo sidiisa u Qoran Hoos ka akhriso:-