Musharaxiinta u tartamaysa xilka Madaxweynaha Hirshabeelle oo khudbad jeedinaya maanta.

Magaalada Jowhar ayaa lagu waddaa in maanta ay khudbad jeediyaan musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle.

Waxaa sidoo kale khudbad jeedin doona Musharaxiinta xilka Madaxweyne ku xigeenka maamulka Hirshabeelle.

Maalinta berri ayaa lagu waddaa in Jowhar ay ka dhacdo doorashada Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle iyo ku xigeenkiisa.

Xilka Madaxweynaha waxaa u taagan Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe oo afartii sano ee la soo dhaafay Hirshabeelle madaxweyne ku xigeen ka ahaa.

Halka Madaxweyne ku xigeenka uu taagan tahay gudoomiyihii hore ee Hiiraan Yuusuf Dabagadeed.