Madaxweynaha Ukrain Zelenskyy oo uu ku dhacay COVID-19

KYIV:– Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy ayaa ku dhawaaqay in laga helay cudurka Koroona feyras, isagoo sheegay in caafimaadkiisa uu yahay mid wanaagsan.

“Ma jiraan dad nasiib badan kuwaas oo aan wajaheyn COVID-19” ayuu 42-jirkan ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka, isagoo intaas ku daray inuu geli doono xaalad karantiil ah shaqadana uu ka soo wadi doono guriga.

“Waan ka adkaan doonaa COVID-19” ayuu ku sii daray.

Daqiiqado kaddib, Andriy Yermak, oo ah madaxa xafiiska madaxweynaha Ukraine, ayaa sidoo kale sheegay inuu iska helay cudurka Covid-19.

Xaaska Zelenskyy, Olena, waxaa ku dhacay cudurka Covid-19 bishii Juun, waxayna dhowr toddobaad ku qaadatay isbitaalka.

Warkan ayaa yimid waxyar kaddib markii madaxwaynuhu sheegay isniintii in Ukraine laga yaabo inay soo rogto xayiraad dhammaadka usbuucan si looga hortago faafitaanka feyraska faafa, isagoo intaa raaciyay in tallaabada noocaas ah aysan saameyn xun ku yeelan doonin dhaqaalaha.