Kooxo Mintidiin dad badan ku laayey dalka Mozambique.

MAPUTO:– In ka badan 50 qof ayaa si xun loogu dilay waqooyiga dalka Mozambique, iyadoo dowladdu dilkaasi ay ku eedeysay kooxo Mintidiin xagjir ah, siday sheegtay warbaahinta Dowladda.

Xagjiriinta ayaa garoon kubbadda cagta ah oo ku yaalla Tuulo u badalay “goob dil”, halkaas oo ay si xun ugu jar jareen meydadka, sida wararku ay sheegayaan.

Dhowr qof ayaa sidoo kale qoorta looga jaray tuulo kale, sida ay ku warantay warbaahinta dowladda.

Qoor goynta ayaa ah tii ugu dambeeyay ee weeraro argagax leh oo ay mintidiintu ka fuliyaan gobolka gaaska qaniga ku ah ee Cabo Delgado tan iyo 2017.

Ilaa 2000 oo qof ayaa la dilay ku dhowaad 430,000 qofna guryahooda ayey ka carareen gobolka rabshaduhu ku badanyihiin Cabo Delgado.

Xagjiriintu waxay xiriir la leeyihiin kooxda la magac baxday Dawladda Islaamka (IS), iyagoo siiyey saldhig ay ku yeeshaan Koonfur-bari Afrika.