Kenya iyo Soomaaliya “si gaar ah ugama aynaan hadlin arrinta khaadka”

Xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha dibadda ee waddankan Kenya, Macharia Kamau, ayaa sheegay in ay jirto arrin in muddo ahba miiska saarneyd oo ah in dal ku-galka loo fududeeyo dadka ka imanaya Soomaaliya.

Danjire Kamau ayaa sheegay in taasi ay tahay in lagu saleeyo wadaxaajood ku aaddan isu socodka dadka iyo fursadaha ganacsi.

Arrintan ayaa soo baxday kaddib markii wafdi uu hogaaminayay xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha dibadda Kenya uu dhawaan tagay magaalada Muqdisho, halkaas oo madaxda dhiggooda ah ay kala xaajoodeen arrimo ay ka mid yihiin “xoojinta ganacsiga iyo sidii looga faa’ideysan lahaa fursadaha ganacsi ee labada dal.”

“Arrintan waxay ahayd mid muddo soo jirtey, Madaxweynaheenna Uhuru Kenyata ayaa muujiyey sida uu u rabo in fisaha loo fududeeyo muwaadiniinta Soomaaliya, si sahlanna ugu soo safraan Kenya, markaa ma aha wax cusub. Siyaasadda aannu ku haminayno ayaa ah in dal ku galka Kenya ay Soomaalida ku helaan si la mid ah sida waddammada Itoobbiya, Ugaandha iyo Tansaaniya oo ah si fudud”.

Mr Kamau ayaa gaashaanka u daruuray in wadahadalladii Muqdisho ku dhexmaray wafdigiisa iyo kuwa Soomaaliya ay gun dhig u aheyd xayiraadda saaran khaadka Kenya ee Soomaaliya la gayn jiray, waxa uuse sheegay in isagu uu soo hadalqaaday dhibaatada xayiraadda ay u gaysatay beeralayda kaadka ee dalkiisa.

.

“Maya si gaar ah ugama annu wada hadal arrintaasi, balse aniga uun baa u sheegay dhibaatada ay arrintaasi ku hayso beeralayda Kenya,” ayuu yiri.

“Waa in aan ka tagnaa arrinta ku salaysan wax soosaarka oo qudha, waa se inaan awoodda saarnaa iskaashi ganacsi oo ballaadhan. Waxaan ku xaqiijin karnaa in nolosheenna aanay ku xidhnayn khaadka oo keliya. Xaqiiqda ayaa se ah inaan si dhab ah uga wada hadallay sida labadeenna waddan u wada ganacsadaan annagoo isla fahannay wax badan oo arrintaasi ka mid ah.”

“Waxaan filayaa in khaadku uu ka mid yahay arrintaasi, balse ma ahayn arrinta keliya ee aan ka wada hadlanay ama udub dhexaadka u ah wadahadaldeenna,” ayuu BBC Somali u sheegay Xoghayaha Wasaaradda Arrimaha dibadda ee kenya, Macharia Kamau.

Sidee xayiraadda Qaadka u arkaan Beeralayda Kenya?

Beeraleyda khaadka ee dalkan Kenya ayaa hore u sheegay in khasaare lixaad leh uu ka soo gaaray xayiraadda la saaray caleentaas ay u dhoofin jireen Soomaaliya.

Khaadka la geeyo Soomaaliya ayay sheegeen in fursad shaqo ay u aheyd dad badan, kuwaas oo ay sheegeen in haatan ay shaqo la’aan noqdeen.

Kimathi Munjuri oo ah guddoomiyaha urur ay ku midaysan yihiin beeraleyda khaadka ee dalka Kenya, ayaa BBC-da u sheegay in maalin walba ay khasaaraan lacag ka badan 150 kun oo doollar, maadaama aanay jirin suuq la geeyo qaadkii ay Soomaaliya gayn jireen.

“Markii dowladda Soomaaliya ay qaaday xayiraaddii saarneyd badeecadaha la geeyo gudaha waddanka, waxay ka reebtay khaadka. Maalin walba waxaan Soomaaliya geyn jirnay 50 tan oo jaad ah, taas oo u dhiganta $150 kun doolar maalintiiba.

“Qaar badan oo ka mid ah beeraleyda jaadka waxaa soo gaaray khasaare badan, maxaa yeelay dakhliga kaliya ee aanu helno waa kan jaadka, anagu haddii aanu nahay beeraleyda jaadka iyo ganacsatada Soomaalida wax inoo dhexeeyo ma jirto”.

Kimathi Munjuri waxa uu intaasi ku daray in jaadka kaliya aanay Soomaaliya geyn, balse ay sidoo kale badeecooyin ka soo iibsadaan dibna ugu soo celiyaan gudaha Kenya, ganacsigooduna uu yahay wax isdhaafsi.

“Haddii aynu iibino jaadka, annaguna waxaan soo iibsaneynaa badeecadaha kale ee laga helo Soomaaliya oo kalluunka uu kamid yahay.

“Kenya, kalluunka ugu badan waxaa uu uga yimaadaa Shiinaha, mana aragno sabab aynu Shiinaha uga soo qaadano kalluunka, iyadoo Soomaaliya oo aynu deris nahay, waxaana ka heli karnaa kalluun badan oo wanaagsan.”

“Waxaa jiro waxyaabo kale oo aynu Soomaaliya ka soo dhoofsan karno sida xoolaha nool iyo hilibkooda oo dalka Kenya ku yar,” ayuu yiri Kimathi.

Beeraleydka jaadka ee Kenya waxay sheegayaan in ay tuhmayaan in sababta khaadka loo joojiyay ay tahay muranka dhanka xadka ah ee u dhaxeeya dalalka Soomaaliya iyo Kenya, taasina aysan u wanaagsaneyn ganacsiga labada dal.

Jaadka waxaa ku tiirsan dad badan oo Soomaali ah

Horraantii bishii la soo dhaafay ayay aheyd markii dowladda Somaaliya ay xaqiijisay inay dib usoo celisay diyaarad laga leeyahay kenya oo sidday Khaad oo lagu eedeeyay inay jebisay tallaabooyinka lagu xaddidayo fayraska corona, sida uu waagaa BBC-da u sheegay sarkaal magaciisa ka gaabsaday oo dawladda ka tirsan.

Xiriirka labada dal ayaa heerkii ugu xumaa gaaray sannadkii la soo dhaafay, kaddib markii uu soo cusboonaaday muranka la xiriira lahaanshaha qeybo ka mid ah xadka dhinaca badda, halkaas oo la sheegay inuu ku jiro kheyraad qiimo badan leh.

Dowladda Soomaaliya ayaa horraaantii sannadkan hakisay duullimaadyada rakaabka iyo khaadka taas oo qeyb ka ahayd tallaabooyinka lagu xakameynayay fafitaanka fayraska Korona.

In kastoo dowladda ay dib u furtay duullimaadyada, haddana Khaatka weli waxaan saaran xiyaraad.

Xigasho:BBCSomali