Guddoomiyaha G/Banaadir oo kormeeray goobaha ay ka socdaan howlaha lagu nadiifinayo biyo mareenada+Sawirro

Muqdisho:-Gudoomiyaha gobalka banaadir ahna duqa magaalada muqdisho Mudane Cumar Maxamed Maxamuud (Cumar Filish) ayaa kormeeray shaqooyin adag oo laga hayo dhuumaha  biyo mareenda ee magaalada muqdisho kuwaasi oo dib u nadiifin lagu wado.

Guddoomiye cumar Filisha ayaa waxaa kormeerka ku wehlinayay qaar ka mid ah guddoomiye ku xigeenada maamulka gobolka banaadir waxaana guddoomiyaha uu kula dar dardaarmay  howl-wadeenada dowladda hoose inay kordhiyaan howlaha nadaafada, maadaama ay maalmahaan socdaan roobab is daba joog ah kuwaasi oo saameyn ku yeeshay isku socodka wadooyinka iyo goobaha ay degenyihiin dadka danyarta.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed ayaa dhinaca kale ku dhawaaqay in dowladda hoose ee Xamar aysan ku filneen xal u helida saameynta ka dhalatay Roobabka ka da’ay Caasimadda.