DEG DEG: Qarax Miino oo lala eegtay Ciidamada Dowladda iyo Khasaare isugu dhimasho iyo dhaawac oo ka dhashay Qaraxaas.

Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ayaa waxa ay sheegayaan in qarax miino uu haleelay Ciidamo ka tirsan xoogga dalka gaar ahaan qeybta 21-aad xilli ay ku safrayeen  degaano ka tirsan Galgaduud.
Qaraxa ayaa Ciidanka ku qabsaday agagaarka deegaanka sinna-dhaqo ee Duleedka Dhuusamareeb ayaa sababey Dhimasho iyo dhaawac.
Qaraxa ayaa qabsaday mid ka mid ah gawaarida loo yaqaano Cabdi bilaha oo ay saarnaayeen Ciidanka oo ku soo jeeday Dhuusamareeb.
Inta la xaqiijiyay labo Askari oo ka tirsanaa Ciidanka dowladda ayaa ku dhintay waxaana sidoo kale jira dhaawacyo la soo gaarsiyay isbitaalka Magaalada Dhuusamareeb.