Xageey ku dambeeynee Colaadda Ethiopia?.

Toban Sanno ka hor markii aan tagay Adis Ababa, isma leheyn Noloshaada ayaad tagi doontaa Magaalada Mekelle Xarunta Gobalka Tigreega. Qadarka Alle wey dhacday. Fikirka aan ku tagay, waxaa igu dhaliyay Sh.Cumar Sh. Maxamed Farax AUN oo ahaa Gudoomiyihii ASWJ iyo Xoghayihii Guud ee ASWJ, Sh. Ibrahim Xaji Ibrahim AUN. ( F.S: 1 & 2aad). waxay aheyd inuu na raaco Sh. Cabdulqadir Soomow oo ka mid ahaa Madaxda Sare ee ASWJ. laakin Safar kale ayaa soo galay ( F.S: 3aad).
Shirkii Adis ayaan helnay 3 Cisho oo firaaqo ah, waxaan Go’aansanay in aan aadno Qabriga Boqor Najaashe oo ahaa Qofkii ugu horeeyay ee Rasuulkeena Moxamed CSW uu Faray in loo tukado, “Salaatu Janaasatul Gaa’ib”oo isaga iyo 16 Ruux oo ahaa Qaraabadii Rasuulka CSW ey ku aasanyihiin figta Buur ku taal Gobalka Tikreega.
Bacdamaa Shirkii Adis Ababa ka socday aan laga jecleeyn Ergada ASWJ qaar, dan ayaana loo arkay in ey 3 Cisho ka maqnaadaan shirka Magaalada Adis.
waxaan ka deganay isla Galabtii Airport-ka Magaalada Mekelle.( F.S: 4 & 5aad). kadibna waxaa nala geeyay “Hotelka Milano” ee Magaalada Mekelle ,( F.S: 6 & 7aad). isla galabtii waxaan ku soo wareegay Magaalada Mekelle waxaan ka bilaabay Jaamacadda Tigray ( F.S: 8aad). kadibna qeybaha kale ee Magaalada oo aheyd mid Qurxan ( F.S: 9-13aad).
Subaxdii Xigtay waxaan galnay safar dheer oo Buuro aad u dhaadheer la sii marayo, ugu Dambeeyn waxaan tagnay Masjidka Taariikhiga ah ee uu Halkaa ka dhisay Duqa Magaalada Istanbul ee Turkiga oo ey ku aasan yihiin Boqor Najaashe iyo Qaar ka mid ah qaraabadii Rasuulka CSW. ( F.S:14aad).
isla Galabtii, Maalintii Labaad waxaan ku soo Noqonay Hotelkii Magaalada, waxaan ku arkay Nin la igu yiri: waxa ey Walaalo yihiin Gen. Gabre, ( F.S: 15aad) Aniga oo la yaaban Duruufta ka muuqaro iyo Sababta uu noogu yimid. Ayaan weeydiiyay Su’aal Dhaqaalaha la xiriirto oo aheyd, Magaaladaan wada dhagaxa ah iyo dhulka ku wareegsan kuma arag ilo dhaqaale. Haddana waa magaalo qurxoon, sideey ku dhacday, i aamin, Runtii waxa uu i siiyay Jawaab ilaa hadda aanan Fahmin. waxa uu yiri: Dhaqaalihii Caalamku siiyay Ethiopia ayaan halkaan u soo weecinay, Dhaqaalaha Labaad ee lagu dhisay Magaaladaan waxa uu ka yimid Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Mogadishu.
Su’aal kale ma weydiin, Bacdamaa Adis aan uga soo tagay, Cadaw aan isku dhacnay, iyo Ergadii ka socotay Dowlada Somalida waqtigaa oo iiga hiilisay Cadawgii.
Aqoontaa yar ee aan u leeyahay Gobalka Tigreega, iyo waxa aan ka fahamsanahay Ethiopia iyo Xaaladda Geeska Afrika, haddan ku cabiro Dagaalada ka socdo Gobalka Tigreega , waxaa ii soo baxayo:
1. Shanta Qabiil ee ugu waaweyn Tigrega marka laga reebo mid Asalkiisu Eriterian yahay, waa Dad mideeysan.
2. waxa ey heeystaan Hubkii ugu Cuslaa ee Dalku lahaa iyo dhaqaale ku filan, kuwaa oo mar horeba ey u Qorsheyteen Haddii Ethiopia kala go’do in ey sii jirin karaan.
3. waa Dad mideeysan oo wada Ciidan ah, tabar fiicanna qabo, Dagaalkana uga aqoon badan Qowmiyadaha kale ee Dalka.
4. waxaa Tigreega ka mid ah tiro yar oo Yuhuud ah, iyo Siyaasiyiin Caan ah oo Dibadda saameyn ku leh.
5. Dabeecada Dhulkooda Alla u abuuray iyo Buuraha dhaadheer ayaa saacidayo in aan Dagaal looga guuleysan. Sida Boqor Najaashe iyo Dadkii la socdayba looga haray markii ey Buuraha koreen.
6. Gobalka Tigreega waa ka mamnuuc Jaadku, Qofkii lagu arkana waa 5 Sanno oo Xabsi ah, iyaga oo ku leh waxa uu dilooday oo Dadnimadiina ka qaaday Oromada iyo Somalida.
7. Waxay u muuqataa in Dagaalku uu Daba dheeraanayo oo aan lagu kala guuleeysaneeyn. ugu dambeeyna ey Ethiopia kala go’i karto, ama Beesha Caalamku muddo kadib ey soo faragalin doonto, Xalna laga raadin doono in Abiye Axmed iska tag la yiraa.
Waqtigaa ka hor, welgeey isma dhihin dhulka Tigree ayaad tagee, Laakin wax badan waan Dareemay in Ethiopia ey Maalin Burburi doonto.
FG: wixii aan ka tagay ku dar, wixii aan khaldayna ka sax. Mahadsanid.
Qore: Yahya Amir