Trump oo Lagula Taliyay in uu Qirto Guuldarrada

WASHINGTON:-Saraakiil horay uga soo shaqeyn jirtay Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa ugu baaqday Trump in uu aqbalo natiijada doorashada si loo gudo galo hanaanka xil wareejintiisa.

Qoraal ay soo saareen saraakiishan ayaa lagu sheegay “Tani waxay aheyd doorasho si weyn loogu loolamayay balse sida ku xusan taariikhda waxaa jiray madaxweyneyaal xilka sii hayay oo kuwii ka guuleystay u fududeeyay xil wareejinta”.

Waxaana kamid ahaa dadkaas baaqa u jeediyay Trump saraakiil horey ula soo shaqeysay madaxweyneyaashii hore ee Mareykanka sida Busha, Obama iyo Clinton.

Waaxda guud ee adeegyada maamulka oo ah laan ka tirsan dowladda ayaanan weli si rasmi ah Biden u aqoonsan in uu yahay madaxweynaha la doortay.

Donald Trump ayaa bartiisa Twitter-ka soo dhigay in markii ugu horreysay uu la hadli doono dadweynaha tan iyo markii la shaaciyay guusha Joe Biden kaddib doorashada ka dhacday Mareykanka.

Sida laga dheehan karo qoraalkiisa, waxay u muuqataa in uu soo celin doono eedeymihii ahaa in wax is-dabamarin ay jirtay xilligii doorashada, inkasta ilaa haatan uusan heyn wax caddeyn ah.