Safiirka Dowladda Talyaaniga ee Soomaaliya iyo madax kale oo tagay Magaalada Hobyo.

Magaalada Hobyo ee Galmudug waxaa Maanta gaaray Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Dekedaha Galmudug Cabdi Saabir Nuur Shuuriye, iyada oo si wyen halkaasi loogu soo dhaweeyay.

Wafdiga oo ay qeyb ka yihiin Safiirka Dowladda Talyaaniga ee Soomaaliya Alberto Vecchi & mas’uuliyiin kale ayaa waxay halkaasi u tageen dhagax dhigga dhismaha Deked macmal ah oo ay dhisi doonto Hay’adda WFP.

Wasiirka Dekedaha Galmudug Cabdi Saabir Nuur Shuuriye ayaa dhawaan magaalada London ee dalka Ingiriiska ku saxiixey heshiis lagu dhisayo Dekeda Hobyo waxaana Dekedaan Macmalka ah suurta galin doontaa in qalabka lagu dhisayo dekeda laga soo dajiyo marka laga reebo inay ka faaidaystaan ganacsatada Reer Galmudug.

Dhanka kale Maamulka Galmudug ayaa ku howlan dadrdar gelinta sidii loo dhisi lahaa dekadda magalada hobyo, isla markaana Ganacsatada deegaannada galmudug uga faa’iideysan lahaayeen.