Kooxo Hubaysan oo Dad isku Qoys ah ku dilay Deegaan hoos taga Degmada Warsheekh.

Maleeshiyaad hubeysan ayaa waxay xalay dad Shacab ah oo isku qoys ahaa waxay ku dileen agagaarka degaanka Xaluule oo ka mid ah degaannada hoostaga degmada Warsheekh oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe.

Weerarkaas ayaa waxay maleeshiyaadka ay Gurigooda ugu tageen dadka isku qoyska ah, iyaga oo dilay Hooyo Umul ku jirtay iyo laba Carruur ah oo ay dhashay, kaas oo da’diisa lagu sheegay Saddex Sano jir, halka la dhaawacay haweeney qoyska ka mid aheyd & Wiil 5-sano jir ah.

Maleeshiyaadkii ka dambeeyay falkaasi dilka ah ayaa goobta ka baxsaday, waxaana la sheegay in weerarkaasi uu salka ku haayo aanooyin qabiil oo sanadihii la soo dhaafay ka taagnaa degaano ka tirsan degmada Warsheekh.

Maamulka degmada Warsheekh ee gobolka Shabeellaha Dhexe, waxgaradka iyo culumaa’udiinka ayaa loogu baaqay inay u istaagaan wax ka qabashada arrintaas in aanay sababin fidno kale, kooxdii falkaas geysatayna in la soo qabto si Cadaaladda loo horgeeyo.

Dhanka kale weerarada dilalka arxan darrada ah ayaa ku soo batay degaannada hoostaga degmooyinka Warsheekh & Cadale ee gobolka Shabeellaha dhexe, waxaana 16-kii Bishii Sebtembar ee sanadkaan 2020 lagu dilay Tuulada Burdheera oo hoostaga degmada Cadale lix Macalin Dugsi Qur’aan, iyada oo aysan jirin cid ilaa iyo hadda loo Maxkamadeeyay falkaas.