Kooxda Arsenal oo xalay gurigeeda looga adkaaday.

LONDON:– Kulan ka tirsan horyaalka Ingiriiska oo ay xalay wada cayaareen naadiyada Arsenal oo Emirates joogta iyo Aston Villa oo mart u aheyd ayaa ku soo idlaaday 3-0 oo lagu kala diray Arsenal.

Daqiiqaddii 25-aad qeybta hore ee cayaarta ciyaaryahanka da’da ayr ee Arsenal Bukyo Saka ayaa shabaqa kooxdiisa u dusiyay gool uusan filaneyn.

Ollie Watkins oo u cayaara Aston Villa ayaa Arsenal ugu daray goolka 2-aad ciyaarta oo mareysa 72 daqiiqo, wuxuuna ahaa gool ay ku niyad jabeen jamaahiirta Arsenal iyo macallin Arteta.

Watkins oo aysan ka qasneyn ayaa dhaliyay goolkiisii 2-aad islamarkaana ahaa goolka 3-aad ee xalay Emirates ku dhalisay Aston Villa daqiiqaddii 75-aad, iyadoo ciyaarta ayaa ku soo dhammaatay Arsenal 0-3 Aston Villa.