Itoobiya oo TPLF Ku Eedeysay in ay Dalka u Horseedayaan Qalalaase.

ADDIS ABABA:-Ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed ayaa ku eedeeyay jabhadda TPLF in ay xagal daacinayaan dimoqraadiyadda dalkaas.

Abiy ayaa sidoo kale jabhadda ku eedeyay maalgelinta kooxo doonaya in ay caraqaladeeyaan hannaanka dhismaha dimuqraadiyadda Itoobiya si ay dalka uga abuuraan qalalaase.

Beesha caalamka ayuu ra’iisul wasaaruhu ugu baaqay in ay la socdaan tacaddiyada ay jabhadda TPLF ka geysanayso Gobolka Tigreega.

Ra’iisul Wasaare, Abiy ayaa todobaadkii aynu soo dhaafnay amar ku bixiyay in tallaabo militari laga qaado gobolka Tigree.

Wuxuu ku eedeeyay TPLF inay wadaan tallaabooyin dhowr ah oo ka dhan ah sharciga isla markaana ay qabsadeen doorasho sharci darro ah.

Gobolka Tigreega ee waqooyiga dalka Itoobiya waxaa maalintii lixaad ka socda dagaallo u dhexeeya ciidamada xukuumadda Addis Ababa iyo dhaq-dhaqaaqa TPL ee gobolka Tigreega.