Hoggaamiyaha Tigreega oo codsaday in la soo farageliyo xaaladda Itoobiya.

MEKELLE:– Hoggaamiyaha gobolka Tigray ee waqooyiga Itoobiya ayaa ka codsaday Midowga Afrika in ay soo fara galiyaan xaaladda Itoobiya, si loo joojiyo in dalku cagaha lagalo dagaal sokeeye.

Hadal telefishin maxalli ah laga sii daayay ayuu Debretsion Gebremichael ku sheegay in Tigray ay sii wadi doonto inay isdifaacdo ilaa dowladda federaalka ay ogolaato wadahadal.

Laakiin Ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed, wuxuu sheegay in xadgudubyo isdaba joog ah oo ay sameeyeen hoggaamiyeyaasha gobolka Tigray ay ku riixday inuu qaado tallaabo militari.

Wararka ka imanaya gobolka dariska la ah ee Axmaarada ayaa sheegaya in 100 askari oo ka tirsan ciidamada federaalka laga dawaynayo dhaawacyo.

Mar sii horeysay, Mr Abiy isagoon wax sharaxaad ah ka bixin wuxuu shaqada ka ceyriyay taliyihiisa ciidanka, madaxa sirdoonka iyo wasiirka arrimaha dibbada.