Shiinaha oo Bilaabaysa Qorshe Cusub oo looga hortagayo in Al-Shabaab weeraro soo qaado.

Dowladda Shiinaha ayaa la sheegay inay dhawaan ku daabuli doonto dalalka Itoobiya iyo Jabuuti qandaraasleyaal ka Shaqeynaya dhanka amniga si looga hortago in Al-Shabaab beegsato ganacsigooda ku yaala dalalkaas.

Sidda uu wariyey Foreign Policy Dowladda Shiinaha oo Ganacsiyo waaweyn ku leh dalalka Jabuuti & Itoobiya ayaa ka taxadareysa inaan Ganacsigooda la beegsan, isla markaana howshaan ay muddo soo wadeen.

Dowladda Shinaha ayaa waxay Saldhig weyn oo Ciidamada Badda ah waxay ku leeyihiin dalka Jabuuti, waxaana qorshaan uu wado garab ku siinaya dowladaha Jabuuti & Itoobiya oo uu Ganacsiyo wawyen ku leeyahay Shiinaha.

Qorshahaan ay Itoobiya iyo Jabuuti ka bilaabeyso dowladda Shiinaha ayaa waxay fursad u noqon kartaa dowladaha Mareykanka & Sacuudiga oo tartan xoogan kula jira, iyaga oo ku mar mar siyoonaya la dagaalanka waxa loogu yeero argagaxisada.

Warbixinta lagu daabacay Jariiradda Foreign Policy ayaa waxaa lagu sheegay in Mareykanka iyo Shiinaha usan isku qidad ka ahayn la dagaalanka waxa loogu yeero argagixisadda Soomaaliya, waxaana halkaas kasoo baxaysa danaha iskasoo horjeeda ee awoodahan taasoo saameyn karta Ciidamadda Xoogga dalka Soomaaliyeed.