Pep Guardiola: “Waan tabi doonaa Virgil Van Dijk kulanka Axadda”

MANCHESTER:– Tababaraha kooxda Manchester City ee Pep Guardiola ayaa ka soo muuqday shir jaraa’id kahor kulanka Liverpool ee caawa, wuxuuna ka hadlay dhowr arrimood oo la xiriira ciyaarta.

Manchester City ayaa isku diyaarineysa kulanka ay caawa Liverpool ku soo dhaweyn doonto garoonkeeda Etihad, kaasoo qeyb ka ah kulamada Isbuuca sideedaad ee horyaalka Premier League.

Pep Guardiola ayaa ka hadlay ka maqnaanshaha Virgil van Dijk ee kulanka Manchester City iyo Liverpool, sababa la xiriira dhaawac daran ee ka soo gaaray dhanka Jilibka, daafaca reer Holland ayaana la sheegay inuu maqnaanayo inta ka dhiman xilli ciyaareedka.

Macalinka reer Spain oo ka hadlayay maqnaanshiyaha Virgil van Dijk ayaa wuxuu yiri:

“Axada, waxaan tabi doonaa Virgil van Dijk, waan jeclahay inaan wajaho ciyaartoyda waaweyn, Virgil-na waa hubaal inuu ka mid yahay”.

“Maqnaanshaha Van Dyck xaqiiqdii waa mid saameyn leh, waana sidii Aymeric Laporte oo naga maqnaa xilli ciyaareedkii hore”.