Joe Biden oo ku guuleystay doorashada madaxtinimada Mareykanka.

WASHINGTON:-  Musharaxa Xisbiga Dimuqraadiga Joe Biden ayaa ku guuleystay madaxtinimada Mareykanka isaga oo noqonaya madaxweynihii 46-aad ee ee hoggaamiyaha Mareykanka.

Sida ay shaaciyeen Talafeshinnada CNN, Fox News iyo BBC, Joe Biden ayaa la qiyaasayaa Inuu dhaafay tirada codadka ergada ee looga baahnaa ee aheyd 270 cod uuna helay 273 Cod.

Madaxda Ololaha Trump ayaa sheegaya in aanay u qorsheysneyn inuu Donald Trump in looga adkaaday doorashada Mareykanka.

Donald Trump Ayaa noqonaya madaxweynihii ugu horreeyay ee hal xilli kaliya ka taliya dalka Mareykanka tan iyo sagaashameeyadii.

Doorashada Mareykanka ayaa sanadkan u soo baxay tiradii ugu badneyd tan iyo 1900.

Mr Biden ayaa ilaa iyo hadda ku guuleystay in ka badan 75 milyan oo cod, waana codadkii ugu badnaa ee abid loo qaado murashaxa madaxweyne ee Mareykanka.

Donald Trump helay ku dhowaad 70 milyan, oo ah tiradii labaad ee ugu badneyd taariikhda doorashooyinka Mareykanka