Murashixiinta u tartamaysa madaxtinimada Somaaliya oo ka soo horjeestay guddiyada doorashooyinka ee Dowladda Magacowday.

Axad:-Qaar kamid ah murashixiinta madaxtinimada Soomaaliya oo uu ku jiro raysal wasaarihii hore e Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre ayaa kasoo horjeestay guddiyada maamulaya doorashooyinka dad ban ee lagusoo xulayo xildhibaanada aqalka hoose ee Soomaaliya.

Murashixiinta ayaa ku eedeeyay madaxweyne Farmaajo iyo raysal wasaare Rooble inay shakhsiyaad katirsan madaxtooyada, NISA iyo taageeraayaasha madaxweynaha ay kasoo buuxiyeen liiska guddiyadan.

Waxay sheegeen, habka loosoo xulay guddiyadan inay ka hor imaanayso madax bannaanida doorashooyinka soo socda islamarkaana uu madaxweynuhu doonayo in ay soo baxaan xildhibaano uu isagu soo xushay.