Madaxweynaha Cusub Baiden oo Ballan-qaaday Midnimada Dadka Mareykanka.

WASHINGTON:-Madaxweynaha la doortay ee dalka Mareykanka, Joe Biden ayaa hadal jeedintiisii ugu horreysay ku sheegay in la joogo xilligii la bogsiin lahaa dadka Mareykanka lana mideyn lahaa.

Madaxweyne Baiden ayaa ballanqaaday in uusan kala qaybin doonin dalka laakiin uu midayn doono.

Biden ayaa tartanka madaxtinnimada dalkaas kaga adkaaday madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday ee Donald Trump kaddib markii la tiriyey codadkii la dhiibtay doorashadii Talaadadii.

Trump ayaanan wali qiranin in laga adkaaday walina wax hadal ah kama jeedinin meel fagaare ah tan iyo markii guuldarradiisa lagu dhawaaqay.

Natiijada xlay soo baxday ayaa ka dhigaysa Trump in uu noqdo madaxweynihii ugu horreeyay ee hal mar loo doorto talada dalkaas tan iyo 1990-yadii.

Madaxweyne Biden oo 78 jir ah ayaa noqonaya madaxweynihii ugu da’da weynaa ee soo mara talada dalka Mareykanka.