IGAD oo ka walaacsan xaaladda Ethiopia ayaa ku baaqday wadaxaajood nabadeed

Djibouti:- Urur goboleedka IGAD ayaa muujiyay walaaca ay ka qabaan arimaha ka soo cusboonaaday itoobiya gaar ahaan gobalka tigreega halkaas oo IGAD ay si dhow ula socoto arimaha ka taagan.

IGAD waxay ugu baaqday dowlada itoobiya iyo dhinacyada ay arinta quseyso in ay dulqaad muujiyaan ayna ka shaqeeyaan hanaankii xiisada loo qaboojin lahaa laguna xaliyo qilaafka wada hadal iyo dib u heshiisiin.

IGAD waxay tilmaantay in ay aaminsantahay in itoobiya ay gobalka u tahay tusaalaha ama iftiinka xasiloonida iyo horumarka dhaqaalaha iyo waliba tiir nabadda  iyo amaanka .

Ugu danbeynta waxaa IGAD ay rajeneysaa in dalka xaaladiisa caadiga ku soo noqdo si dhaqso ah iyadoo la soconeysa marxalada iyo wixii ku soo kordha