Haweeneydii Ugu Horreysay ee Madaxweyne Ku Xigeen Ka Noqota Mareykanka

WASHINGTON:-Kamala Harris ayaa noqotay haweeneydii ugu horreysay ee madow ah ee noqota madaxweyne ku xigeenka dalka Mareykanka.

Haweeneydan 55 jirka ah ayaa ka mid ah xubnaha golaha senet-ka ee laga soo doorto gobolka California.

Kamala ayay iska dhaleen aabbe ka soo jeeda Jamaica iyo hooyo ka soo jeedda Hindiya.

Xeer ilaaliye guud ayay kasoo noqotay gobolka California waxayna ka soo shaqeysay olole looga gol lahaa dib u qaabeynta ciidamada booliska xilli ay falalka cunsuriyadda kusii badanayaan dalka Mareykanka.

Madaxweynaha la doortay, Joe Baiden ayaa bishii August ku dhawaaqay in Kamala Harris ay noqonayso madaxweyne ku xigeenkiisa.

Baiden ayaa ah madaxweynihii 46-aad ee uu yeesho dalka Marekanka kaas oo ku guuleystay 290 cod oo ah kuwa loo yaqaanna “Electoral Collage”.