Ciidamada Dowladda oo gacanta ku dhigay Ruux miino aasayey

MUQDISHO:– War kasoo baxay Dowladda Federaalka ayaa lagu sheegay in howlgal ka dhacay Gobolka Shabeelaha Hoose ay ciidamada ammaanku kusoo saareen saddex Miino & sidoo kalana ay gacanta ku soo dhigeen ninkii geliyey waddada miinooyinkaa.

Walxahan qarxa ayaa laga soo saaray waddada isku xirta Buufow Bacaad & Janaale.

DFS ayaa sheegtay in ay gacanta ku heyso ninkaan oo wajahaya Maxkamad, waxaana ay sheegtay in ciidamo roondo waday ay ku guuleysteen gacan ku dhigista ninkaan oo ku howlanaa miino aasidda.

Howlgalkaan waxaa si gaar ah u fuliyay Ciidamada DFS gaar ahaan guutada 14-ka Oktoobar oo mas’uul ka ah sugidda ammaanka wadada isku xirta Buufow & Janaale oo ay ku sugan yihiin kadib markii ay ka qabsadeen al-Shabaab.

Dowladda Ma sheegin magaciisa iyo meesha lagu maxkamadeynayo ninkaan, balse waxa ay tilmaantay in loo gudbinayo hay’adaha garsoorka oo shaqadoodu tahay maxkamadeynta shaqsiyaadka falalkan oo kale lagu soo qabto.

Hay’adaha ammaanka DFS ayaa howlgalo miino baaris ah ka sameeya waddooyinka ay isticmaalaan oo marar kala duwan lagu qarxiyay miinooyin lagu aasay hareeraha waddooyinkaas.