Wadaad Caan Ku ahaa Luuqda Qur’aanka iyo Cod Mcaani oo Geeriyooday.

KHARTOUM:-Sheekh Nourein Maxamed Saddiiq oo ahaa wadaad cod macaan oo ku luqeeyaa Qur’aanka Kariimka ah una dhashay dalka Suudaan ayaa geeriyooday kaddib shil baabuur oo uu galay sida ay sheegtay wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta dalkaas.

Wasaaradda ayaa sheegtay in shilkaas argagaxa leh ay sidoo kale ku geeriyoodeen saddex wadaad oo kale oo Iyana ku luuqeeyo Qur’aanka, kuwaas oo loogu kala yeedhi jiray, Cali Yacquub, Cabdallah Cawad al-Kariim iyo Muhannad Alkanaani iyada oo isbitaalka lagu baxnaaninayo Sayid Bin Cumar.

Culumada ayaa la sheegay in markii ay shilka galayeen ay dib uga soo laabteen safar dacwad fidin ah oo ay dhawaan ku tageen gobolka Waadi Xalfa.

Sida ay ku warrameen warbaahinta dalka Suudaan culumada ayaa shilka baabuur ku gashay meel 18 KM u jirta magaalada Um Durmaan.

Sheekh Nourein ayaa caan ku ahaa luuqeynta Qur’aanka iyada oo codkiisa laga dhageysan jiray dunida muslimka oo idil.