RW Rooble oo magacaabay guddiga maamulaya doorashada Xildhibaannada Soomaaliland.

MUQDISHO:- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa magacaabay guddiga maamulaya doorashada xubnaha labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee ka soo jeeda Soomaalilaand.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Wasiirka Koowaad ayaa lagu magacaabay guddi ka kooban 11-xubnood oo ka shaqeyn doona sidii ay u dhici laheyd Doorashada Xildhibaanada kasoo jeeda Soomaaliland.

Guddiga Doorashada Xildhibaanada ka soo jeeda Soomaaliland ayaa noqonaya midkii afaraad ee la magacaabo iyada oo maamullada Hirshabeelle, Koonfur Galbeed iyo Galmudug ay hore u magacaabeen Guddiga Doorasho ee maamuli doono doorashooyinka heer Maamul goboleed.
Dhowaan ayey aheyd markii Guddoomiyaha Aqalka Sare uu magacaabay guddi isna ka shaqeynaya doorashada xubnaha Soomaalilaan kaddib markii uu sheegay in dadka matala muumulkaa ay xaq u leeyihiin in doorashada xubnaha waqooyiga ay iyagu maamulaan.

Lifaaqa hoose ka akhriso magacyada xubnaha Guddiga Doorashada Xildhibaanada ka soo jeeda Soomaaliland ee la magacaabay.