Milatariga Itoobiya oo Duqeyn Cirka ah Ka Wada Gobolka Tigreega.

ADDIS:-Ciidamada difaaca cirka dalka Itoobiya oo maalinkii afraad fulinaya howgallo millatari oo ka dhan ah gobolka Tigreega ayaa duqeymo cirka ah ka wada gobolkaas.

Rai’sul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axme oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in duqeymahan cirka ah oo dhacay Khamiistii iyo Jimcihii la soo dhaafay lala bartilmaameedsaday bakhaaro uu hub ku keydsanaa oo ku yaalaa gobolka Tigreega ee waqooyiga dalka Itoobiya.

Weerarkan ayaa lagu burburiyay tiro madaafiic ah oo goobtaasi ku keydsanaa oo isugu jiray gantaallo iyo raadaarro iyo agab millatari oo badan sida uu ra’iisul wasaaruhu sheegay

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey, Antonio Guterres ayaa ku baaqay in sida ugu dhaqsiyaha badan loo joojiyo colaadda ka aloosan gobolka Tigreega.

Xisbiga TPLF oo xudduntiisu tahay gobolka Tigreega ayaa sanado badan awood xooggan ku lahaa hogaanka Itoobiya, balse awooddaas ayaa meesha ka baxday tan iyo markii uu xukunka la wareegay ra’iisal wasaare Abiy Axmed sanadkii 2018.

TPLF iyo xukuumadda ra’iisul wasaare ayaa muddooyinkii dambe isku maandhaafsanaa siyaasadda dalka oo ay aad ugu kala fogaadeen.

Xiisadda u dhexeysa labada dhinac ayaa ka sii dartay markii ay TPLF qabsatay doorasho deegaan bishii September, tallaabadaas oo ka caraysiisay Addis Ababa oo natiijadii ka soo baxday ku tilmaantay mid sharci darro ah.