Kulamo ka tirsan horyaalka Ingiriiska oo galabta iyo caawa la ciyaarayo.

Kulamo xiiso badan oo ka tirsan horyaalka kubadda cagta ee laga cayaaro dalka Ingiriiska ayaa la cayaarayaa caawa iyo galabta.

Kulmadan ayaa waxaa isku arki doona kooxaha kala ah:

Everton oo marti gelineysa kooxda Manchester United, wuxuuna soo geli doonaa 15:30 Xilliga Geeska Afrika.

Kulanka xiga waxaa isaga hor imaanaya naadiyada Crystal Palace iyo Leeds United oo isaguna soo geli doona 18:00 XGA.

Sidoo kale waxaa foodda isdaraya kooxaha kala ah Chelsea iyo Sheffield oo isna la cayaari doono 20:30 XGA.

Ugu dambeyn waxaa sidoo kale is arkaya kooxaha West Ham United iyo Fulham oo soo galaya 23:00 habeennimo.

Kulanka aad loo wada sugayo ishana lagu hayo ayaa ah kan ugu soo horreya ee dhexmaraya Naadiyada Everton iyo Manchester United, Kooxda Everton ayaa ku jirta booska 5-aad ee kala sarreynta horyaalka, halka Manchester United ay soo gur guuraneyso booska 15-aad ee kala sarreynta wallow uu kulan baaqi u yahay.