Dowladda Suudaan oo Xirtay Soohdinta ay la Wadaagto Itoobiya.

KHARTOUM:-Dowladda Suudaan ayaa sheegtay in ay xirtay soohdinta gobolka Qadaarif uu la wadaago gobolka Tigreega ee waqooyiga Itoobiya oo ay qulqulatooyin iyo colaado ka taaganyihiin.

Guddiga amniga Qadaarif ayaa sheegay in ay xireen labada marine e Lakdi iyo Qallaabaad ee ay isaga tallaabaan Suudaan iyo Itoobiya taas oo ay ku macneeyeen in ay ku sugayaan ammaanka gobolka si aysan saamayn ugu yeelanin colaadda ka holceysa gobolka Tigreega.

Khamiistii la soo dhaafay ayay ahayd markii maamulka Suudaan ay ku dhawaaqday in ay xirtay xudduudka Gobolka Kasala uu la wadaago Itoobiya dagaallada ka socda gobollada Itoobiya qaarkood.

Arbacdii aynu ka soo gudubnay Ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed uu amar ku bixiyay ciidamada millatariga in ay qaadaan weerar ka dhan ah gobolka Tigreega.