Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo la wareegay degaano ka tirsan Gobolka Bay.

Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa saacadihii la soo dhaafay waxay howlgallo kala duwan ka fuliyeen degaano ka tirsan Gobolka Bay oo ay ku sugnaayeen Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab.

Howlgalka ayaa Ciidamada Ururka 45-aad Guutada 8-aad Qeybta 60-aad waxay ka fuliyeen tuulooyin ku yaalla duleedka degaanka Goof Gaduud Buurey, waxaana saraakiisha howlgalka hoggaamineysa ay sheegeen inay tuulooyin kula wareegeen.

Taliyaha Ururka 45-aad Guutada 8-aad ee Qeybta 60-aad ayaa sheegay inay Cidiamada Dowladda la wareegeen tuulooyinka kala ah, Eel Dhuun Adeegow, Kaawada Buula Jadiid, Hareera Jiifa iyo degaano kale, halkaas oo mararka qaar lagu arki jiray Xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Sidoo kale wuxuu sheegay Taliyaha in Ciidamada ay howlgallada sii wadi doonaan ilaa iyo inta ay ka saarayaan degaannada iyo meelaha kale ee Gobolka Baay oo ay weli kaga sugan yihiin Al-Shabaab.

Degaanka Goof Gaduud Buurey oo ka mid ah degaannada hoostaga Magaalada Baydhabo ayaa waxaa dhowr jeer dagaal kula wareegay Xubno ka tirsan Al-Shabaab wallow markii dambe laga saaray.