Ciidamada Dowladda oo howlgal Miino-baaris ah ka bilaabay degaano ay kala wareegeen Al-Shabaab.

Wararka aan ka heleyno degaano hoostaga Magaalada Dhuuamareeb ee Caasimadda Galmudug ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamada Dowladda ay halkaasi ka wadaan howlgallo Miina-Baaris ah, kaddib markii ay Ciidamada degaannadaasi la wareegeen.

Ciidamada ayaa waxaa la sheegay in intii ay howlgalka ku jireen ay qarxiyeen Miino lagu Aasay degaanka miirdugul ee kuyaal duleedkaKoonfureed ee Magalaada Dhusamareeb , iyada oo aysan geysan wax khasaaro ah.

Ciidamada Dowladda oo ay wehliyaan kuwa Galmudug ayaa sidoo kale ka wada howlgalo ka dhan Ah Al-Shabaab degaannada Ceel Cali Mire iyo Caado- Xaar oo dhaca duleedka Koonfureed ee Magaalada Dhusamareeb.

Howlgalaldaan ka socda degaano hoostaga Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa ay kusoo aadayaa xilli dhawaan dhowr jeer Al-Shabaab ay weerar hoobiyeyaal ah ku qaadeen Garoonka Diyaaradaha Magaalada Dhuusamareeb.